Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Shabbellaha Dhexe.


Gaariga oo noociisu ahaa TM ayaa la sheegay in ay saarnaayeen dad reer miyi ah oo dib ugu laabanayay tuulooyinkii ay markii hore ka soo safrene oo yaalla duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Goobjooyaal ayaa VOA u sheegay in dadkii shilkaasi ku dhaawacmay la keenay isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta shilka keentay, inkastoo wadaddu ay tahay mid burbursan, isla markaana ay jirto khibrad la’aan haysta wadayaashada gaadiidka dadweynaha oo qaarkood ay gaadiidka ku kaxeeyaan xawaare saa’id ah.

XS
SM
MD
LG