Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey Oo Ka Digtay Xannibaadaha Russia


Wasiirka beeraha Turkiga Faruk Celik ayaa uga digay Russia in aargudasho kasta oo ganacsi ay ayada un dhaawaceyso.

Russia ayaa khamiistii ku hanjabtay inay aargudasho dhaqaale sameyn doonto kadib markii Turkiga uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushka uu lahaa, talaadadii.

Mas’uuliyiinta Russia, waxa ay sheegeen in xukuumadda Moscow ay xanibaado kusoo rogi doonto cuntada uu Turkiga u dhoofiyo dalkaas maalmo gudahood, xilli ay goor sii horreysayba kordhisay baaritaanada cuntooyinka beeraha kasoo go’a ee uga yimaada Turkiga.

Hase yeeshee Wasiirka beeraha Turkiga Faruk Celik ayaa shaaca ka qaaday in aargudasho kasta oo ganacsi oo Russia ay ka sameyso diyaaradii uu Turkiga soo riday ay dhaawaca ugu xooggan gaarsiin doonto beeraleyda Ruushka.

“Marka aad eegto tirada waxyaabaha lasoo dhoofiyo iyo kuwa la dhoofiyo, waa ay caddahay in tallaabo kasta oo aan wanaagsaneyn ay saameyn ka badan tan beeraleyda Turkiga ku yeelan doonto beeraleyda Ruushka. Sidaa darteed, arrintan waa in loola macaamilaa si deggan. Waa inaan diiradda saarnaa diyaaradda lasoo riday, oo aan dhibaatada dhinacaas ka eegnaa. Tan ayaa ah habka ugu habboon ee lagu joogteyn karo danaha labada dal” ayuu Celik weriyayaasha ugu sheegay magaalada Ankara.

Celik waxa uu intaas ku daray in dowladda Turkiga aysan weli go’aan rasmi ah oo xanibaado ka helin dalka Ruushka.

Celik waxa uu ka digay inay tahay qalad in la ogolaado in xiisadda ka dhex oogan Ruushka iyo Turkiga ay saameyso beeraha, ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale.

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa labada dal uga digay inay sii xumeeyaan xiisadda. Hase yeeshee waa ay caddahay in Russia ay dooneyso inay dhaqaale ahaan ciqaabto Turkiga.

Ra’iisull wasaaraha Russia Dmitry Medvedev ayaa ku amray dowladdiisa inay qaado tallaabooyin ay ku jiri karaan hakinta mashruucyada sida wada jirka ah uga dhaxeeya labada dal, iyo yareynta cuntooyinka Russia ay kasoo dhoofiso Turkiga.

Muranka labada dal ka dhex oogan ayaa sidoo kale hakad ku keenay heshiis cusub oo qamadi oo dhex mari lahaa Russia oo ah dalka soo saara qamadiga ugu badan caalamka iyo Turkiga oo ah dalka qamadiga ugu badan ka iibsada Ruushka.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa waxaa suurta gal ah inay wadahadallo ku yeeshaan kullan madaxeedka cimilada ee tododbaadka dambe ka dhacaya magaalada Paris, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Turkiga, balse ma jiraan wax waqti ah oo kullanka si rasmi ah loogu qabtay.

XS
SM
MD
LG