Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland Oo Weerarka Daacish Ka Feejigan


ISIS
ISIS

Taliyaha ciidamada Puntland ayaa sheegay in koox ka go'day Shabaab oo raacsan Daacish ay weeraro qorsheynayaan.

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka digtay inay weeraro qorshaynayaan koox ka go'day ururka Al-Shabaab oo sheegtaya inay taageerto ururka Daacish.

Taliyaha Guud ee ciidamada Puntland Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi oo waraysi khaas ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ciidankoodu ay diyaar u yihiin wixii weerar ah ee ka yimaada ayna heegan yihiin.

Waxa uu shaaciyey in weerarada ay qorsheynayaan kuwa Daacish ah ay yihiin weeraro ay doonayana inay isku soo shaac bixiyaan, si loo yiraahdo Daacish ayaa weerar ka geysatay Soomaaliya.

Taliyaha waxa kale oo uu xaqiijiyey in laba koox oo mid Daacish ay raacsan tahay, midna ay weli yihiin Al-Shabaab ay ku wada sugan yihiin buuraha.

Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay in kooxda ka go’day Al-Shabaab ee Dacaish raacday ay sidaas u sameeyeen dhaqaale dartiis, oo aysan lahayn oo wax qaddiyad ah.

Haaruun Macruuf ayaa waraystay taliye Jeneraal Siciid Maxamed Xirsi.

Taliyaha Ciidamada Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG