Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Ebola Oo Dib Loogu Arkay Liberia


Saraakiisha Liberia, ayaa sidoo kale si gaar ah ula socda 150 qof oo looga shakisan yahay inay halis u yihiin cudurkaasi,

Saraakiil caafimaad ayaa sheegay in wiil da’ yar uu u dhintay cudurka Ebola gudaha Liberia, kaas oo noqoneya kiiskii ugu horreeyay ee cudurkaasi ku dhawaad muddo lix bilood ah oo uu qof u dhinto.

Wiilkan oo 15 jir ahaa, ayaa cudurkaasi looga helay duleedka bari ee caasimadda Manrovia isbuucii laga soo tagay. Aabihii iyo walaalkiisa ayaa sidoo kale la sheegay inay Ebola la xanuunsan yihiin hadda, waxana lagu hayaa xarun caafimaad oo duleedka Manrovia ah iyaga iyo seddex ruux oo kale oo qoyska ka tirsan.

Saraakiisha Liberia, ayaa si gaar ahaaneed ula socda 150 qof oo looga shakisan yahay inay halis u yihiin cudurkaasi, kuwaas oo ay ku jiraaan shaqaale caafimaad iyo dad kale oo xiriir la sameeyay qoyska.

Kiisaska cusub ee Ebola, ayaa dhabar jab ku ah waddanka Galbeedka Afrika ku yaalla, kaas oo hore u sheegay in cudurkaasi uu ka dhammaaday waddanka.

Bishii September 3-deedii ayaa la xaqiijiyay in Liberia uu cudurkaasi ka dhammaadey, inkastoo May 9-keeda uu ururka caafimaadka adduunka ee WHO sheegay in Ebola uu dalkaasi ka dhammaaday, ayaa haddana mar kale waxa la arkey Kiisas cusub oo cudurkaasi ah bishii June ee la ga soo gudbay.

XS
SM
MD
LG