Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiiraan: Al-Shabab Oo Qof Rayid Ahaa Dilay


Ninka la dilay oo lagu magacaabay Xasan Cabdi Yuusuf (Daqarre), ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay kala baxeen gurigiisa.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa xalay la sheegay inay qof rayid ahi ku dileen tuulada Feerqallaal oo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan u jirta qiyaastii 50 KM.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay kala baxeen gurigiisa. Lamana garanayo sababta illaa iyo hadda ka dambeysa dilkiisa.

Guhaad Cabdi Warsame, oo ka mid ah mas’uuliyiinta tuulada Halgan oo u dhow halka dilka uu kadhacay, ayaa VOA u sheegay in qofka la diley la oran jirey Xasan Cabdi Yuusuf (Daqarre).

Guhaad waxa uu sheegay in Daqarre uu ka mid ahaa dadka tuulada ku dhaqan, islamarkaana aanu wax shaqo ah ku laheyn dowlad iyo Shabaab toona.

Daqarre, ayaa lagala baxay hoygiisa xalay, markii ay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab u galeen gudaha hoygiisa dabadeedna ku dileen meel aan ka fogeyn halkii lagala baxay, sida uu Guhaad Cabdi Warsame sheegay.

Jamaal Axmed Cusmaan ayaa wareystay Guhaad Cabdi Warsame.

Shabaab oo dilay qof rayid ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:03 0:00

XS
SM
MD
LG