Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland Oo Diiday Wadahadallada Turkiga


Wadahadallada Somalia Somaliland
Wadahadallada Somalia Somaliland

Somaliland waxay ku eedeysay dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya inay farogelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in ay Somaliland ka qayb galayso doorashada ka dhacaysa Soomaaliya sannadka dambe ee 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta la hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ay farogelin ku hayaan arrimaha Somaliland.

Warancadde waxa uu xusay in dowladaha Somalia iyo Turkiga ay ku hawlan yihiin inay wada-hadalladii joogsaday ee labada dhinac ay ku martiqaadaan dad shacab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Warancadde oo warbahainta kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa caddeeyey in Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin wadahadallada Turkiga illaa xubnaha kale ee beesha caalamka ay goobjoog ka noqonayaan.

Wasaaradda Warfaafinta dawladda Soomaaliya oo ay VOA-da xiriir la sameysay waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan hadalka kasoo baxay Somalililand.

Warbixintan waxa magaalada Hargeysa nooga soo diray weriyaha VOA Barkhad Kaariye.

Warbixinta Barkhad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG