Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wala-weyn: 8 Shabaab Ah Oo Duqeyn Cirka Ah Lagu Dilay


Duqeyn ka Dhacday Shabeelaha Hoose
Duqeyn ka Dhacday Shabeelaha Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay duqayn cirka ah lala beegsaday saldhig uu ururka Al-Shabaab ku leeyahay meel u dhow tuulada Baladul Amiin ee gobolkaasi.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay VOA ka heshay dadka deegaankaasi ayaa u sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen sideed qof oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay ku jiraan mas’uuliyiin ururka Alshabaab u qaabilsan deegaannada ku xeeran degmada ee arrimaha maleeshiyada iyo dacwada.

Illaa hadda ma cadda cidda iska lahayd diyaaradaha fuliyey weerarkan, dadka deegaanka ayaa sheegay in saddex gantaal ay ku dhaceen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada Alshabaab.

XS
SM
MD
LG