Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdigii Somalia Ee Tagay Xadka Oo Hadlay


Xildhibaan Dalxa oo ka mid ahaa waftigan ayaa sheegay in dhulka aysan cidna lahayn ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo tuhun abuuri kara.

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka difaaca ee Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo ka kooban guddiyada, baarlamaanka ee difaaca, arrimaha gudaha iyo guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil, khubaro iyo xubno ka socday maamulka Jubbaland ayaa soo gebo gebeeyey kormeer ay ku tageen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Waftigan ayaa u kuur galayey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay cabashooyin ka soo gudbiyeen shacabka deggan ee magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo oo la xiriirta arrimaha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa sheegay inuusan jirin derbi laga dhisay xuduudda, islamarkaana aysan soo arkin caalamad xuduudeed la beddelay.

Waxa ay sheegeen inay arkeen in la qoday god qiyaastii dhan 1.6 mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6 mitir calaamadda xuduudda, iyadoo dherarka godkaasi dhan yahay illaa 700 oo mitir, iyo in duleedka magaalada Beled-Xaawo ay ku arkeen waddo la xaaray oo cago-cagaf la mariyey.

Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa waftigan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhulka aysan cidna lahayn ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo tuhun abuuri kara.

Waxaa wareysta Axmed Cali Sheekh.

XS
SM
MD
LG