Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Axmed Xasan Cawke Oo Geeriyooday


Axmed Xasan Cawke
Axmed Xasan Cawke

Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Allaha u naxariistee weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu caansanaa kuwa Soomaalida ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Axmed Xasan Cawke oo ka tirsanaan jiray VOA Somali ayaa waxaa kusoo booday xanuun lama filaaan ah, sida uu VOA-da u sheegay weriye Cabdisalaam Hareeri oo ay muddo wada shaqeynayeen.

Cawke waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo lix caruur ah.

Axmed Xasan Cawke ayaa lasoo shaqeeyey hay'ado warbaahineed oo ay ka mid yihiin VOA Somali, Radio Muqdisho, BBC Somali iyo Taleefishinka Universal Tv..

Waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalada Wajaale.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ka diyaariyey taariikh nololeedka Axmed Xasan Cawke.

Taariikh Nololeedka Cawke
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:58 0:00

XS
SM
MD
LG