Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya Oo Joojisay Howlgalladii Xuduuda


Guddoomiyaha Degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir oo VOA-da wareysi siiyey ayaa sheegay in Kenya ay joojisay dib u calaameyntii xadka

Guddoomiyaha Degmada Beledxaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in xilligan ay joogsadeen hawlgallo ay dawladda Kenya ka wadday xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in Kenya ay joojisay dib u calaameyntii xadka, kadib markii si aad ah arrintan ay uga qeyliyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaalida, balse weli ay jiraan calaamadihii ay horey u sameysay ee aan ahayn kuwii saxda ahaa.

Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir ayaa ku warramay inuu rumeysan yahay in Kenya aysan ka taansulin damaceeda, oo uu u maleynayo inay dib u billaabi doonto arrintan.

Waxa kale oo uu sheegay sheegay inay filayaan wefti ka socda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya in ay Beledxaawo u yimaaddaan arrimaha Xuduudda.

Guddoomiyaha ayaa qadka telefoonka ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Guddoomiyaha Beled Xaawo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:39 0:00

XS
SM
MD
LG