Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliiska Faransiiska Oo 150 Weerar Fuliyey


Weerarada ayaa laga fuliyey magaalooyinka Toulouse, Grenoble, Jeumont, Lyon iyo magaalada ku taalla duleedka Paris ee Bobigny, waxaana lagu xiray 10 qof.

Booliiska Faransiiska ayaa in ka badan 150 weerar ku qaaday dad la tuhunsan yahay inay yihiin Islaamiyiin oo ku sugan magaalooyin badan oo dalkaas ka tirsan, sida uu Isniinta sheegay ra’iisul wasaaraha France Manuel Valls.

Weerarada ayaa waxaa horraantii Isniinta laga fuliyey magaalooyinka Toulouse, Grenoble, Jeumont, Lyon iyo magaalada ku taalla duleedka Paris ee Bobigny, waxaana lagu xiray in ka badan 10 qof, ayada oo lagu soo qabtay hub ay ku jiraan gantaallo, jaakadaha xabadda celiya iyo AK-47.

Vallas ayaa sheegay in France ay ka baxsatay weeraro badan, hase yeeshee ay jiri doonaa kuwa iman kara maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegya inuusan isku dayeynin inuu shacabka cabsi geliyo, hase yeeshee waxa uu yiri “Waan la noolnahay waana la noolaan doonnaa muddo, halisyadan argagaxiso”.

Weerarada ayaa yimid ayada oo maanta ay France baroordiiq qaran u sameyneyso 129 qof oo lagu dilay weeraradii argagaxiso ee jimcihii ka dhacay dalkaas, kuwaas oo sidoo kale lagu dhaawacay 350 qof.

XS
SM
MD
LG