Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan Garab-Joogsaneynaa France


Madaxweynaha Maraykaka Barack Obama ayaa wacad ku maray in uu kaalmeyn doono dalka Faransiiska si loo soo qabtay kuwii weerarka geystay. Weerarkan ayaa dhacay Jimcihii toddobaakan. MR. Obama ayaa sheegay inuu qorsheynayo in la labanlaabo dadaalada lagaga hortagayo ISIS.

Madaxweyne Obama ayaa Axaddii shalay hadlay ka dib markii ay wada kulmeen RW Turkiga Rajab Dayib Erdowan, xilli uu ka qeyb galayo kulanka dalalka la isku yiraahdo G-20 oo ka dhacaya magaalada loo dalxiiska tago ee Turkiga ee Antalya.

Obama ayaa ballan qaaday inuu garab joogson doono France, isla markaana cambaareeyey weeraradii aagisanaa ee habeenkii Jimcihii ka dhacay xarunta Faransiiska ee Paris.

Ururka ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Paris iyo Ankara.

XS
SM
MD
LG