Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Kismaayo


Kismaayo
Kismaayo

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 25 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii xalay uu dagaal xooggan oo ciidamada maamulka Jubbaland iyo maleeshiyada Alshabaab ku dhexmaray duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen xaruntii hore ee ciidamada cirka ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee Akadeemiya oo hadda saldhig u ah ciidanka Jubbaland taasoo magaalada Kismaayo u jirta 7 KM kagana beegan dhanka waqoogi.

Dadka ku dhintay iyo kuwo dhaawacmay ayaa ka kala tirsanaa dhinaycadii dirirtu dhexmartay kuwasoo uu dhexmaray dagaal xooggan oo socday muddo hal saac ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubbaland jeneraal Maxamed Warsame Daraawiisha ayaa VOA u sheegay in dhinacooda uu dagaalkaasi uga dhinteen sagaal askari, toddobo kalana uga dhaawacmeen, isagoo sheegay in khasaare ba’an uu ciidnku gaarsiiyey maleeshiyadii weerarka ku soo qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan maamulku uu deegaannada uu ka taliyo ka xorreyn doono maleeshiyada Alshabaab.

XS
SM
MD
LG