Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kurdishka Oo Qaaday Dagaal Ka Dhan Ah ISIS


Dagaal-yahannada Kurdish-ka ayaa doonaya inay dib u qabsadaan magaalada Sinjar oo bishii August ee 2014 u gacan gashay kooxda Daacish.

Kumanaan dagaalyahan oo Kurdish ah ayaa khamiista billaabay howlgal ay magaalada waqooyi ee Ciraq ee Sinjar dib uga qabsanayaan kooxda Daacish.

Daacish ayaa Sinjar qabsatay bishii August ee 2014-kii, ayaga oo argagax geliyey dadka laga tirada badan yahay ee Yazidi-ga, kumanaan ayaga ka mid ahna ku qafaashay buuraha.

Ficilladaas waxay ahaayeen kuwii horseeday duqeyntii ugu horreysay ee in ka badan shan kun oo duqeyn oo ciidamada xulufada uu Mareykanka hoggaamiyo ay ka fuliyeen Ciraq.

Bayaan kasoo baxay Kurdish-ka ayaa lagu sheegay in 7,500 oo Kurdish ah ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan Sinjar, islamarkaana gooyaan waddo muhiim ah oo Daacish wax loo mariyo.

Ciidamada Isbaheyiga ayaa iyaguna weeraro dhinaca cirka ah toddobaad ka waday Sinjar, si ay u gacan siiyaan Kurdish-ka.

Sinjar ayaa waxa ay ku dhinac taalla waddo weyn oo isku xirta magaalada Daacish ay haysato ee Mosul iyo magaalada galbeedka Syria ku taal ee Raqqa.

XS
SM
MD
LG