Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalka Myanmar Oo Nus Qarni Kaddib Doorasho Ka Dhacday


headquarters, Nov. 8, 2015, in Yangon, Myanmar.
headquarters, Nov. 8, 2015, in Yangon, Myanmar.

Dadweynaha dalka Myanmar ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, iyadoo doorashadani ay tahay tii ugu horreysay oo xor ah oo dalkaasi ka dhacda muddo nus qarni ah.

Dadweyne badan oo faraxsan ayaa marayey goobaha codbixinta, kuwaasoo muujineyey khadka la mariyo codbixiyaha fartiisa marka uu codeeyo.

32 milyan oo qof ayaa horrey isugu diiwaangeliyey in ay codadkooda dhiiban doonaa, iyagoo codadkooda kala siin doono 6,000 kun oo musharrax oo u baratamaya labada aqalka ee barlamaanka, midka wakiilada iyo hoggaanka xafiisyada maamulka gobollada.

Muslimiinta Rohingya ayaa iyagu qaadacay doorashadan kuwaasoo sheegay in xukuumadda ay xaqooda duudsisey.

Dadkii ugu horreeyey ee dhiibtay codkooda waxaa ku jiray haweeneyd Aung San Suu Kyi oo aan ku ah u ololeynta dimuqraadiyada taasoo xilligaasi ku salaameen taageerayaasheedu goobtii ay codka ka dhiibaneysey.

XS
SM
MD
LG