Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex Carruur Ah Oo Ku Dhimatay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Darbigan ayaa dumay kaddib markii uu maanta roob xooggan ka da’ay magaalada Muqdisho kaasoo saameeyey isku socodka magaalada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay in ciidan ka tirsan AMISOM ay gurmad u fidiyeen carruurta uu darbigu ku dumay kuwaasoo xilligaasi ku suganaa meel u dhow halka uu shilku ka dhacay.

Deriska guriga ku dumay carruurta ayaa VOA u sheegay in waalidka carruurtaasi uusan joogin xilliga uu dhacay shilkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka da’ay roob xooggan oo sababay in ay adkaado isku socodka dadweynaha ee xaafadaha kala duwan ee magaalada.

XS
SM
MD
LG