Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaar Ma Yihiin Ciidamada Dowladda?


Kadib weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Saxafi oo 15 qof lagu dilay, 20 kalena lagu dhaawacay, ayaa waxa ay su'aalo ka taagan yihiin heerka diyaar garowga ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa ammaantay hawsha ay hayaan ciidamada amniga ka sokow weerrarada qorshaysan ee ay qaadayaan ururka Al-Shababab.

Waxaa iyaguna jira dhalliilo ku saabsan sida ciidanku diyaarka ugu yihiin inay diiradda saaraan hawsha amniga gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabab.

Maalintii Axaddii ayey ahayd markii maleehsiyada ururka Al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen Hoteel Saxafi oo ay ku dileen 15 qof, in ka badan 20 ay ku dhaawaceen.

Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo diray Jacfar Kuukaay.

Warbixin: Amniga Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:54 0:00

XS
SM
MD
LG