Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Ka Dhacay Degmada Ufurow


dagaal
dagaal

Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda oo doonayey inay qabsadaan Ufurow, balse waqti kooban oo ay haysteen kadib waxaa dib u qasabaday maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxa ay weerar ku qaadeen degmada Ufurow ee gobolka Bay halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa waxaa dhex maray dagaal qaraar, ayada oo ciidamada dowladda ay si kooban u qabsadeen Ufurow, ka hor intii aanay Al-Shabaab dib ugu soo laaban oo aysan qabsan mar kale.

Guddoomiyaha degmada Ufurow ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Aadan Kuusane “Ilka Case”, ayaa VOA-da u sheegay inay Al-Shabaab ka dileen saddex askari, ayna qaateen maleeshiyo dhaawac garaab ah.

Wariyaha VOA Muqtaar Maxamed Catoosha ayaa warkan ka soo diray Baydhabo.

Dhageyso dagaal ka dhacay Ufurow
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:26 0:00

XS
SM
MD
LG