Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas Oo Su'aalo Adag La Weydiiyey


Abdiweli Gaas
Abdiweli Gaas

Waxyaabaha Gaas wax laga weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha dhaqaalaha iyo lacago la sheegay in maamulku uu daabacay.

Barlamaanka Puntland ayaa maanta Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas su'aalo adag ka weydiiyey arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Puntland.

Waxyaabaha Gaas wax laga weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha dhaqaalaha, lacago la sheegay in maamulku uu daabacay, mushaaradka ciidanka iyo gaabis la sheegay inuu ku yimid howlaha xukuumadda.

Isaga oo ka hadlaya arrimaha mushaarka, Gaas waxa uu baarlamanka u sheegay in ciidamada Puntland ee shaqeeya ay qaataan mushaarkooda, islamarkaana uusan ogeyn ciidamo u diiwaan gashan oo aan mushaar qaadan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka jawaabay lacag la sheegay in xukuumaddiisa ay soo daabacday, waxa uuna sheegay inaysan jirin lacag sharci darro ah oo dowladda Puntland ay sameysatay.

Waxaa warkan Garoowe noogu soo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Dhageyso Gaas oo su'aallo la weydiiyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00

XS
SM
MD
LG