Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Clinton Oo 11 Saacad Su'aalo La Weydiiyey


Guddi ka tirsan Congresska Maraykanka ayaa su'aalo weydiinayey Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, iyada oo ka jawaabaysay sida uu ku dhacay weerarkii 11kii September, 2012

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Khamiistii shalay ka hor markhaati furtay congresska hortiisa. Clinton ayaa la weydiinayey sida uu ku dhacay weerarkii 11kii September ee sanadkii 2012. Weerarkaas ayaa waxa lagu dilay danjirihii Maraykanka ee dalka Libya Christ Stevens.

Su’aalahan uu congresska Maraykanka weydiinayey Hillary Clinton ayaa qaatay 11 saacadood. Clinton oo la arkayey iyada oo qufacaysa, biyana kabanaysa ayaa gudigii su’aalaha weydiinayey ee congresska ee uu Jamhuurigu ku badan yahay u sheegtay in dhacdadii Benghazi darteed ay ku hurdo weyday in ka badan inta dadka su’aalaha weydiinaya oo dhan oo la isku daray ay ku hurdo waayeen.

Clinton waxay ahayd markhaatiga kaliya ee Khamiistii shalay ka hor markhaati furayey dhageysiga afraad ee congresska Maraykanku wax kaga ogaanayo weerarkii Libya ee keenay in afar maraykan ahi dhintaan.

XS
SM
MD
LG