Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ehelada Dr. Liibaan Cusmaan Cilmi


Muqdisho
Muqdisho

Shalay, waxaa xaafadda madiina ee magaaladda Muqdisho ka dhacay dil ay rag hubaysan oo gaari watay u geysteen laba nin oo aqoonyahanno ah.

Labada qof ee la dilay ayaa kala ah Dr. Liibaan Cismaan Cilmi Cadaawe oo uu adeer u yahay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Cabdiqaadir Maxamud Yabarow oo ka tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya.

Dr. Liibaan ayaa horay uga howlgali jiray cisbitaal ay lee yihiin Imaaraadka Carabta oo ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Liibaan waxaa dhalay Cismaan Cilmi Cadaawe, oo ku hooyo ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo isna ku geeriyooday magaalada Nairobi bishii August ee sanadkan.

Haddaba wariyaheena Caasha Ibraahim (Cuud) ayaa khadka telefonka ee Nairobi ku wareysatay Ismahaan Khaliif Caddaawe oo eddo u ah Dr. Liibaan Cusmaan Cilmi Caddaawe, waxayna wax ka weydiisay dilka marxuumka.

Wareysi: Ismahaan Khaliif
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:01 0:00

XS
SM
MD
LG