Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO iyo Afghanistan oo Weeraray Daalibaan


NATO - 5
NATO - 5

Afhayeen u hadlay gaashaanbuurta Mareykanka uu hoggaamiyo ee NATO ayaa xaqiijiyey weerarka oo uu ku macneeyey mid lagu cirib tirayo halis ay wajahayaan ciidamada isbhayesiga iyo kuwa Afghanistan.

Ciidamada ammaanka qaranka dalka Afghanistan oo ay tagaeerayaan diyaraadaha dagaalka Mareykanka ayaa billaabay weerar rogaal celin ah oo ay dib ugu qabsanayaan magaalada ku taalla waqooyiga dalkaas ee Kunduz, oo kooxda Daalibaan ay gacanta ku dhigeen.

Wasaraadda gaashaandhigga Afghanistan, ayaa sheegtay in ciidamadadeeda amniga, oo ay ku jiraan cutbyo ka tirsan qeybta kumaandooska, ay aroorinmadii talaadada maanta ah billaabeen weerar ay ku qaadaayaan saldhigyada kooxda Daalibaan, si magaalada Kunduz dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ayaa iyaguna bamoobyin la dhacayey xarumaha Daalibaanka, kadib markii ay sidaas ka codsatay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan.

Afhayeen u hadlay gaashaanbuurta Mareykanka uu hoggaamiyo ee NATO ayaa xaqiijiyey weerarka oo uu ku macneeyey mid lagu cirib tirayo halis ay wajahayaan ciidamada isbhayesiga iyo kuwa Afghanistan.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa weriyayaasha ugu sheegay magaalada Kabul, ayaa sheegay inay ciidamada dalkiisa ay sameeyeeen siqitaan deg deg ah, ayna qabsadeen dhowr dhisme oo ku yaalla magaalada.

XS
SM
MD
LG