Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rouhani: QM ha Baarto Shilkii Xajka


Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa QM ugu baaqay inay baadho sababihii dhaliyay shilka iyo shilalkii la mid ahaa ee ka dhacay sannadkan Xajka.

Muftiga ugu sareeya dalka Sacuudiga Sheekh Cabdulcaziiz al Sheekh ayaa sheegay in shilkii ay xujayda badan ku dhinteen ee ka dhacay Xajka uu ahaa "Qadar Eebe" bini'aadam-na aan lagu eedeyn karin.

Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay Xajka ay krorotay oo gaartay 769 qof.

Waxaa sii socda canbaareynta dowladda Sacuudiga lagu canbaareeyey sida ay u maareysay xajka iyo waliba shilkii xajka ka dhacay.

ilaa 136 xujey ka timid Iran ayaa ka mid ahaa 769 qof ee ku dhintay xajka.

XS
SM
MD
LG