Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Baaraya Sababaha Shilkii Xajka


Boqorka Sucuudiga ayaa dhacdadii shalay ku tilmaamay mid musiiba ah. Sidoo kale amiirka leh dhaxalka boqortooyada Maxamed Bin Naayef, ayaa isaguna xusay in la magaacabyao guddi arrintan soo baara isla markaana natiijada u gudbisa boqorka.

Wasiirka caafimaadka Sucuudiga Khaalid al Faalix, ayaa isaguna sheegay in si degdeg ah loo soo bandhigayo tirada kama dambaysta ah ee dhimashada, waxaana uu dhaawaca tiradooda ku sheegay siddeed boqol, saddex iyo lixdan qof.

Sucuudiga ayaa waxaa haysta cadaadis iyada oo jawaab laga sugayo dhacdadan iyo faahfahinteeda, waxaana ka mid ah dalalka arrintaasi ka hadlay dawladda Iran oo ka mid ah dalalka ay dadka ugu badan kaga dhinteen dhacdaadan, isla markaana xurguf siyaasadeed kala dhexeeya Sucuudiga.

Iran, ayaa sheegatay in boqol kow iyo soddon xaaji ay uga dhinteen shilkii shalay, siyaasayiinta Iran ayaa ku eedeeyay dawladda Sucudigu inay maamuli kari wayday hawada iyo cimillada xajka.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kacdoonka islaamiga ah ee Iran Aaayatulah Cali Khaamanyi, ayaa ku eeday Sucuudiga inay ay si xun u maamuleen arrintan.

Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxani, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ugu baaqay Sucuudigu inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran shilkan, waxaana dawladda Iran ku dhawaaqday 3 maalmood oo tacsi qaran ah oo loogu baroor diiqayo xujaajtii ka dhimatay.

Sidoo kale, magaalada Tehran ee caasimadda Iran, ayaa salaaddii Jimco ka dib waxaa isugu soo baxay dad caraysan. Tilifishanka dawladda Iran, ayaa dadkaasi ku tilmaamay inay ka caraysanyihiin waxay ugu yeereen karti darrada dawladda Sucuudiga.

Muuqaallada naxdinta badan ee lagu baahiyay baraha bulshadu ku xiriiito, ayaa culays badan ku haya dawladda Sucuudiga.

Af-hayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Sucuudiga Janaraal Mansuur Turki, ayaa ku baaqay inaan lagu dag dagin isla markaana laga hor dhicin dambi baarista lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Tirada dadka Soomaalida ah ee dhimatay ayaa illaa imika lagu sheegay 7 xaaji, waxaana isa soo taraya dalalka caalamka ee soo bandhigaya tirada dadka uga dhintay shilka.

Tilifishanka laga leeyahay Sucuudiga ee al-Carabiya, ayaa xusay in dawladaha Masar iyo Indiya ay uga dhinteen 14, Bakistan ayaa la sheegay in ay 7 qof uga dhinteen shilkii xajka ka dhacay , Aljeeriya iyo Indonisiya ayaa saddex qof soo sheegay inay goobta uga dhinteen.

Dawladda Marooko ayaa sheegtay in sidded iyo toddobaatan qof ay uga dhinteen goobta, Turkiguna waxay xuseen in ay raadinayaan 18 xaaji oo aan la haynin illaa iyo hadda, halka dawladda Holand-na ay sheegtay in hal qof uu uga dhintay.

XS
SM
MD
LG