Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Aqalka Cad ku Martigaliyay Pope-ka


Madaxweyne Obama ayaa Aqalka cad soo dhaweyn rasmi ah ugu sameeyay baadariga ugu sareeya madhabka katooliga ee diinta Masiixiga Pope Francis oo Maraykanka ku jooga booqasho.

Baadariga Talaadadii shalay soo gaaray dalka Maraykaka, isaga oo ka soo degay xerada ciidanka ee Andrews ee Washington, isaga oo ay ka hortageen madaxweynaha Marayanka Barack Obama, kuxigeenkiisa Joe Biden iyo labadooda xaas.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay kulmaan madaxweyne Obama iyo Pope Francis, iyaga oo markii ugu dambeysay ay xarunta Vetican-ka, bishii March ee sanadkii 2014. Hase yeeshee waa markii ugu horeysay ee wadaadku ay cagta soo dhigto carrada Maraykanka.

XS
SM
MD
LG