Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo Kulan ka Leh Qaxootiga


Wasiirada arrimaha gudaha ee dalalka Midowga Yurub, ayaa maanta ka shiraya sidii loo qeybsan lahaa 100,000 oo qaxooti ah, kuwaas oo ka soo baxsanaya colaadaha ka jira dalalkooda.

Kulanka, ayaa imanaya iyadoo baarlamaanka Yurub uu hindisahaasi ansixiyay toddobaadkii tagay. Waddamaada bariga Yurub, ayaa sheegay inaysan qorshahaasi qaadan doonin.

Hay’adda Q.M. u qaabilsan qaxootiga, ayaa aaminsan in wada hadallkan uu noqon karo fursaddii ugu dambeysay ee dalalkan xal wada jir ah ugu helaan qul qulka soo galootiga ka soo baxsanaya colaaadaha dalalkooda.

Qaxootiga Yurub gaaraya, ayaa ugu badan kuwa ka imaanaya waddanka Siiriya.

XS
SM
MD
LG