Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Loo Soo Jeedinayo Qaadista Cuna-qabateynta Cuba


Mareykanka ayaa la sheegayaa in kulanka guud ee Qaramada Midoobay uu ka soo jeedin doono in dalka Cuba laga qaado cunaqeybteynta dhanka dhaqaalaha ee saaran muddada dheer.

Cunaqabteynta dalka Cuba saaran muddo nus qarni ah, ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in dowladda Cuba ay kulanka Qaramada Midoobay horkeeni doono si looga qaado, iyadoo horay Mareykanka iyo Israa’iil ay ahaayeen kuwo u diiddan in laga qaado xayiraaddaasi.

Dalalka Mareykanka iyo Cuba ayaa xiriirkood diblomaasi dib u soo nooleeyey October sanadkii hore ee 2014-kii, kuwaas oo xiriirkooda go'ay 54 sano ka hor, iyadoo xukuumadaha Washington iyo Havana ay dib safaaradahoodii u fureen.

Madaxweyne Obama ayaa Congress-ka ku booriyey in Cuba laga qaado cunaqabeynta uu Mareykanku saaray.

Labada madaxweyne Barack Obama iyo Raul Castro ayaa la filayaa in arrintaasi ka hadlaan marka uu maalinti Isniinta ee soo socota uu magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmo kulanka guud ee Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG