Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida: Danjire Axmed Ciise Cawad


Madaxweyne Obama iyo Danjire Axmed Cawad
Madaxweyne Obama iyo Danjire Axmed Cawad

Tan iyo markii dowladda Somalia ay ka baxday ku meel gaarimada dhamaadkii sanadkii 2012kii, waxaa sii xoogeysanayay marba marka ka dambeysa xiriirka siyaasadeed ee Somalia iyo Mareykanka

Bishii Janauary ee sanadkii 2013kii ayaa Dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya, markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano.

Bishii Februarry ee sanadkan, 2015ka ayaa Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu Katherine Dhanani u magcaabay safiirka cusub ee dalka Maraykanka ee Somalia, inkastoo maalmo ka dib Mrs. Danani ay shaqadaasi uga cudur daaratay arrimo shaqsiyadeed.

Bishii May ee sanadkan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa booqasho rasmi ah uu ku tagay Magaalada Muqdisho.

8dii bishan ayaa Mareykanku uu sheegay in xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Somalia uu la lahaa uu si rasmi ah u howlbilaabay.

Waxaana inta Somalia uu safiir ugu magacaabanayo shaqadaasi Nairobi ka sii wadi doona koox diplomaasiyiin ah.

17kii bishannna Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa munaasabad ka dhacday Aqalka Cad wuxuu warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Axmed Ciise wuxuu baddalay safiirkii hore ee Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo noqday ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya bishii December ee sannadkii hore.

Hadaba barnaamijkeenna Martida Makaroofanka ayaa waxaa todobaadkan marti ku ah, Danjire, Axmed Ciise Cawad.

Barnaamijka oo dhameystiran halka hoose ee qoraalkan ka dhagyeso :

Dhageyso Barnaamijka Martida Makaroofanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:17:46 0:00

XS
SM
MD
LG