Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jubbaland oo Toogasho ku Fulisay 7 Askari


Maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisey toddobo ka tirsan ciidamada oo maxkamadi ku heshay danbi ah inay inay shalay galab dileen laba qof oo shacab ah.

Xukunka toogashada ayaa goor dhaweyd ka dhacay xeebta magaalada Kismaayo.

Askarta ayaa shalay la sheegay inay dileen laba qof oo rayid ah, oo mid ka mid ah uu ahaa qurbo-joog magaalada dhawaan yimid.

Labada qof ee rayidka ah ee la dilay ayaa ciidamadu ka soo qabteen dhinaca waqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo la sheegay inay ka yimaadeen dhul beerro ah oo ay halkaasi ku lahaayeen.

Askarta wax dilay ayaa waxay ka mid ahaayeen ciidamada Jubbaland ee shalay qaraxa lagula beegsaday xerada ciidamada ee magaalada Kismaayo.

Saddex askari oo kale oo ka mid ahaa askarta lagu eedeeyay dilka ayaa maxkamaddu waxay ku xukuntay 3 sanno oo xarig ah. Faahfaahinta wararkaasiv idaacaddaheena soo socda ayaad ku maqli doontaa

XS
SM
MD
LG