Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diendere: Madaxweynaha, RW wey Bad-qabaan


Madaxa golaha xukuma Burkino Faso ee afgambiga ku qabsaday maalin ka hor awoodda dalkaasi, ayaa sheegay in madaxweynihi iyo reysal wasaarihii ee xilka ay ka qaadeen ay bad qabaan oo ayna ku hayaan xabsi ay ciidamadu maamulaan.

Jeneraal Gilbert Diendere oo VOA la hadlay, ayaa sheegay in dhawaan la sii deyn doono madaxweyne Michel Kafando iyo reysal wasaare Yacouba Isaac Zida.

Jeneralka, ayaa sheegay inay afgembigaasi u sameeyeen sababtoo ah buu yiri nidaamka siyaasadda waddankiisa oo noqdey mid dhinac u jan jeera. Waxa uu Diendere sheegay in uu billaabi doono wada hadal uu la yeelanaayo dhammaan xisbiyada dalkiisa ka jira.

Burkina Faso, ayaa la rajeynayay inay doorashooyin baarlamaan iyo kuwa madaxtinnimo ay ka dhacaan 11 October, hasa yeeshee hadda ma cadda in taasi ay dhici doonto.

Saddax ruux ayaa dhintay kadib markii dad dibadxayo rabshada wata ay isugu soo baxeen caasimadda Ouagadougou. Dadka dibad baxyada dhigayay oo isugu soo baxay meelu dhow xarrunta madaxtooyada, ayaa ka hor jeeday tallaabada Meleteriga uu qaaday.

XS
SM
MD
LG