Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabaab oo Jannaale qabsatay


Al Shabab
Al Shabab

Kooxda al-Shabaa, ayaa qabsatay gelinkii dambe ee maanta magaalada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii ciidamadii nabad ilaalinta ee AMISOM ay halkaasi isaga baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, ayaa VOA u sheegay in ay ciidamada AMISOM saldhiggooda Janaalle ka baxeen, iyagoo aanan la socodsiin saraakiisha dowladda ee aaggaasi joogay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horreysay ee Khamiistii u sheegay wakaaladda waraka ee Reuters in goobaha ay Shabaab qabsanayaan aysan aheyn meel istiraatijiyad ahaan aad muhim u ah.

Al-Sbabaab, ayaa Jannaale weeraray laba toddobaad ka hor, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 10 askari oo ciidamda AMISOM ka mid ah.

XS
SM
MD
LG