Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo Gadood ka Sameeyey Garoowe


Ciidanka Puntland oo hub qabtay
Ciidanka Puntland oo hub qabtay

Qaar ka tirsan ciidanka gadoodka sameeyey ayaa VOA u sheegay in aysan mushaaraad helin in badan labo sano, iyadoo rasaas laga maqlay gudaha xerada taasoo ay ciidanku u ridayey kor.

Korneyl Maxamuud Cali Xirsi Cartan oo sheegtay in uu yahay taliyaha gaarka ah ee ciidanka gadoodka sameeyey ayaa VOA u sheegay in ciidanku uusan helay wax mushaar ah 28 billood, isagoo rasaasta ay ciidanku ridayna ku sheegay in ay ahayd mid ay ku muujinayeen cabashadooda ah in mushaarkooda aan la siinin.

Ma ah markii ugu horreysay oo ciidamo Puntland ka tirsan ay gadood sameeyaan, iyadoo dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii magaalada Boosaaso ciidan gadood ka sameeyey oo ka cabanayey mushaar la’aan ay xireen qeybo ka mid ah wadooyinka laga soo galo magaalada Boosaaso.

Hoos ka dhageyso codka mas'uulka sheegtay in uu yahay taliyaha ciidanka gadoodka sameeyey.

Mas'uulka sheegtay in uu yahay taliyaha ciidanka gadoodka sameeyey
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:47 0:00

XS
SM
MD
LG