Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo laga Xusay Weeraradii 9/11


Madaxweyne Obama iyo Michele oo daqiiqad aamusnaan ah gudanaya. Sep 11, 2015.
Madaxweyne Obama iyo Michele oo daqiiqad aamusnaan ah gudanaya. Sep 11, 2015.

Maraykanka waxaa laga xusay sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabta munaasabado kala duwan oo laga hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay.

Maraykanka waxaa laga xusay sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabta munaasabado kala duwan oo laga hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay.

Madaxweyne Obama, oo ay wehliyaan xaaskiisa Michelle iyo shaqaalaha aqalka cad ayaa maalintan ku xusay daqiiqad aamusnaan ah banaanka aqalka cad, saacaddu marka ay ahayd 8:46AM, markaasi oo ah waqtiga diyaaraddii koowaad ay ku dhacday xarunta ganacsiga adduunka ee New York.

Galabta-na, madaxweynaha ayaa kullan kula qaadan doona ciidamada, magaalada Fort Meade ee u dhow Washington DC, isaga oo dadka Mareykanka kala hadli doono sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in dalka uu sii ahaado mid nabadagalyo ah.

Magaalada New York-na, waxaa isku soo baxay ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, oo qabtay munaasabad ay ku aqrinayaan dhammaan magacyada dadkii weerarku lagu dilay.

Sidoo kale, xarunta gaashaandhigga ee Pentagon-ka waxaa xaflad ku qabtay xoghayaha difaaca Ash Carter. Pentagon-ka waxaa ku geeriyooday 184 qof, markii sidoo kale ay diyaarad ku dhacday, 11-kii September 2001.

XS
SM
MD
LG