Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saxafiyiin ka Tirsan Jazeera oo la Xukumay


Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa xukun ku ridday saddex weriye oo u shaqaynayey telefiishanka Al-Jazeera, waxaana maxkamaddani ku heshay dembi ah inay taageero u fidinayeen ururka dalkaas laga mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin.

Maxkamaddu waxay saddexdan weriye ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah.

Xaakinka Xukunkan riday oo lagu magcaabo Xasan Farid ayaa sheegay in saxafiyiintani ay wateen qalab aanay ogolaansho siinin saraakiisha ammaanku, isla markaana ay fidinayeen warar been abuur ah, waxayna qolkooda hurdada u isticmaalayeen xarun ay ka baahiyaan wararka iyaga oo aan ruqsad u haysan.

Warbixin la xiriira xarigga wariyeyaashan halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Dhageyso Warbixin Xukunka Wariyeyaasha Al-Jazeera ee Masar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00

XS
SM
MD
LG