Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad ku dhintay Qarax Baabuur


Qarax
Qarax

Ugu yaraan 5 qof ayaa dhintay, 7 kalena way dhaawacmeen markii galabta isgoyska Juba ee Muqdisho uu ka dhacay qarax baabuur.

Qarax baabuur ayaa galabta ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yusuf ayaa VOA u sheegay in baabuur halkaasi la dhigay uu qarxay, waxaana ku dhintay ilaa 5 qof, halka 7 qof oo kalena ay dhawacmeen.

Qaraxa Muqdisho ayaa dhacay saacaddo yar kadib markii maanta qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay sida ay saraakiishu sheegeen ay ku dhinteen 14.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxyadan. Idaacadda ururka ee Al Andalus ayaa sheegtay in qaraxa Kismaayo ay ku dhineen 100 askari.

XS
SM
MD
LG