Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Korea-da Waqooyi oo Tan Koonfur Duqeysay


Kuuriyada Waqooyi ayaa madaafiic ku duqeysay saldhigyo ay ciidamada Kuuriyada Konfureed ku leeyihiin xadka labada Kuuriya, sida ay sheegtay wakaalada Wararka ee Seuol.

Kuuriyada Waqooyi ayaa madaafiic ku duqeysay saldhigyo ay ciidamada Kuuriyada Konfureed ku leeyihiin xadka labada Kuuriya, sida ay sheegtay wakaalada Wararka ee Seuol.

Saraakiisha difaaca ee Kuuriyada Koonfureed durbadiiba ma aysan xaqiijin warkan oo khamiistii shalay ay sii deysay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Weli ma cada in qasaara uu ka dhashay duqeynta iyo in kale.

Xiriirka labada wadan oo markii horeba aan wanaagsaneyn ayaa waxa xiisadda dhinaca xuduudda ay cirka isku shareertay markii dhawaan Seoul ay ku eedeysay Pyongyang inay dhigtay xadka labada dal miino qaraxdat oo ay ku dhinteen laba askarta kuuriyada waqooyi ah.

Xukumadda Kuuriyada koonfureed ayaa bilowday baahinta idaacado xuduuda ku yaala oo ay ka sii deynayaan dacaayado ka dhan ah Pyonyoung.

Kuuriyada Waqooyi ayaa beenisay inay ka dambeysay weerarkan, laakiin todobaadkii hore ayey ku hanjabtay inay weerar buuxa kaga jawaabi doonto hadii Seuol aysan joojin baahinta idaacadahaasi.

XS
SM
MD
LG