Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Siyaasi Kale oo Weyn oo Obama ka hor Yimid


Xubin kale oo ka tirsan Aqalka Senate-ka, aadna loo yaqaano ayaa sheegay in ka soo horjeedsan doono marka loo codeynayo heshiis barnaamijka nuclearka ee dalka Iran. Arrintan oo mid aan la hubin ka dhigaysa in heshiisku uu congresska dhaafo iyo in kale.

Sanetor-kan oo lagu magacaabo Robert Menendez, kana soo jeeda gobolka New Jersy, ayaa Talaadadii shalay hadal uu ka jeediyey Jaamacadda Saton Hall ku sheegay in uu rumeysan yahay in heshiiskani uu Iran uu ogolaanayo inay noqoto, waxa uu ugu yeeray, mid leh kaabe nuclear ah oo xoog badan.

Waxa uu sheegay inuu “Maya” u codeyn doono. Mr. Menendez ayaa sheegay in Barack Obama uu khaldan yahay mar uu madaxweynuhu sheegay in heshiisku uu Iran ka wada joojin doono barnaamijka nuclearka. Senator Menendez ayaa sheegay in Iran ay jabisay ballamo hore oo ay ku joojin lahayd damaceeda hubka nuclearka.

XS
SM
MD
LG