Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano BF ah oo diiday doorashada Jubba


Shirkii Jubbooyinka
Shirkii Jubbooyinka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga soo horjeestay doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland ee la filayo inay dhacdo 15-ka August.

Maxamuud Cali Magan oo xildhibaanadaas ka mid ahaa ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in sababta ay uga soo horjeedaan doorashada ay tahay ayada oo baarlamanka Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah, oo horey baarlamanka federaalka Soomaaliya uu u diiday.

Xildhibaan Magan ayaa ku warramay in 132 xildhibaan oo ka mid ahayd 142 xildhibaan oo cod u qaaday baarlamanka Jubbaland ay isku raaceen in qaabka loo dhisay baarlamanka Jubbaland ay sharci darro tahay, sidaas darteedna uusan wax doorasho ah qabin karin.

Sida uu Magan ku doodayo, baarlamaannada maamul goboleedyada ayaa waxa ay tahay inay soo xuleen salaadiinta iyo waxgaradka oo ay wehliyeen xildhibaannada federaalka, kadibna ay tahay in baarlamanka federaalka uu ansixyo, qodobaas oo uu yiri “Baarlamanka Jubbaland waa buuxin waayey”, sidaas darteedna uusan sharci ahayn.

Waxa uu ku digay in haddii baarlamanka Jubbaland uu qabto doorasho ay macnaheedu noqon doonto in sharcigii dalka lagu tuntay.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kalena madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyey inaysan weli kala caddeyn mowqifkooda ku aadan arrintan.

Wareysi Xildhibaan Maxamuud Cali Magan uu siiyey weriyaha VOA-da ee Muqdisho Axmed Xasan Colaad, hoos ka dhageyso.

Wareysiga Xildhibaan Magan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:18 0:00

XS
SM
MD
LG