Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaxooti Mozambique ah oo u cararay Malawi


Malawi
Malawi

Boqolaal reer Musanbiik ah, oo ka baxsanaya dagaallada u dhaxeeya dowladda dalkaasi iyo mucaaradka RANEMO, ayaa u qaxay dalka Malawi ee la dariska ah Musanbiik. Sida uu ku waramayo wariyaha VOA Lameck Masina ee Blantyre, tiro badan oo ka mdi ah barakacayaasha ayaa hadda kusii qul qulaya xeryo qaxooti.

Dadkan, ayaa billaabay inay galaan dalka Malawi horraanti July, kadib markii dagaalyahannada RENAMO ku qaadeen laba weerar gobolka Tete.

RENAMO, ayaan ku qancin natiijadii doorashadii sanadkii tagay, waxayna doonayaan inay si iskooda u maamulaan gobolka waqooyiga dalkaasi Musanbiik, halkaas oo ay ku heystaan taageerayaasha ugu badan.

Qaxootiga, ayaa hadda degaya tuulo lagu magacaabo (Kapise Labo), oo ka tirsan degmada galbeedka Mwanza ee dalka Malawi.

Madaxa tuuladaasi William Michiwem, ayaa VOA u sheegay in tuuladiisa ay marti galineyso hadda 775 reer Musanbiik.

Wuxuuna yiri, "Waa rag, haween iyo caruur. Laakiin waxay ku nool yihiin xaalad adag, waxa ugu weynna waxay tahay cunno la’aan iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolol maalmeedkooda.”

Dowladda Malawi, ayaa billowday inay qaxootigaasi reer Musanbiik u daad gureyso xeryo qaxooti mucayin ah oo ku yaalla degmada deriska la’ah dalkasi ee Neno.

Gift Lapozo, waa guddoomiyaha degmada Mwanza.

"In ka badan 119 oo iyaga ka mid ah, waxa loo diiwan galiyay qaxootinnimo, waxaana loo sii gudbiyay xerada Luwani, halkaas oo ay dowladda Malawi oo taageero ka heleysa UNHCR iyo WFP ay ku sooreyso." Lapozo, ayaa sidaasi yiri.

Laakiin mas’uulin ayaa sheegaya in badan oo ka mid ah qaxootigaasi reer Musanbiik ay ka qadsan yihiin dib u dejinta. Qaarkood ayaa u baxsada duurka marka ay arkaan gawaarida dowladda Malawi, qaarkodona wayba qariyaan dhalashadooda.

Qaar ku nool guryo si KMG ah loo sameeyay gudaha deegaanka (Kapise Laba), ayaa toddobaadkan inkirey inay yihiin reer Musanbiik. Waxay VOA u sheegeen inay kaliya soo booqanayeen saaxiibbo reer Musanbiik ah, kuwaas oo markaasi ku maqnaa shaqooyin.

Lapozo, waxuu u maleynayaa in dadkan diiddan inay xeryaha qaxootiga galaan ay yihiin kuwa ka feejigan wax kaste oo u keeni kara in la maxabbiso.

Wuxu yiri, "Waxan u arkaa inay la mid yihiin sida dad ka madax bannaan ruuxaanta, waa ay diidayaan marka aad weydiiso inaad u kaxeyso xeryaha. Waxay dareemayaan in la xannibaayo.

Mid ka mid ah dadka tuulada, ayaa VOA u sheegay in qaxootigaasi aanay doonayn inay aad uga fogaadaan guryahoodii ay ka sootageen ee Musanbiik.

Xog-hayaha wasaaradda gudaha iyo Beston Chisamale, ayaa toddobaadkan u sheegay idaacad gudaha dalka Malawi ku taalla in inkastoo ay jirto arrintaasi qaxootiga ay haddana weli wadaan dadaalladooda dib u dejinta qaxootiga.

"Waxan dowlad ahaan sameynay waxa weeye, inaan u sheegno iyaga inaan u gudbin doonno goob cusub. Marka kuwa ogolaada inaan wadno, ayaa ah kuwa aan hadda kaxeyneyno. " Chisamale, ayaa sidaas yiri.

Xerada Luwani, ayaa hore u marti galisay qaxooti reer Musanbiik ah, kuwaas oo ka soo qaxay waddankooda kadib 16 sano oo dagaallo sokeeya ah intii u dhaxeysay sanadihii 1977 illaa1992.

XS
SM
MD
LG