Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Baraawe


Sawirka degmada Baraawe oo dusha laga qaaday
Sawirka degmada Baraawe oo dusha laga qaaday

Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa maanta laga dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo cusub, sida uu idaacadda VOA-da u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Nuur Siidi.

Siidi ayaa shaaca ka qaaday in garoonka cusub uu dhagax dhigay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa Shariif Xasan wehliyey madax ka socotay qaar ka mid ah hay’adaha maal-gelinaya dhismaha garoonka, taliye ku xigeenka guud ee Amisom ee Soomaalia, taliyaha booliiska Amisom ee Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Garoonka ayaa waxaa laga dhisayaa meel 4 KM u jirta deegaanka Imbareesa oo lagu magacaabo Buunqab, marka loo socdo dhinaca Sablaale, inkasta oo qorshaha markii hore uu ahaa in laga dhiso dhinaca xeebta balse laga noqday.

Garoonkan cusub ayay badi howshiisu noqon doonto inay ka duulaan kana soo dagaan diyaaradaha isaga kala goosha gudaha dalka Soomaaliya. Sida uu sheegay Siidi, waxa ay filayaan in dhismaha garoonka lagu soo gebo gebeeyo muddo laba illaa saddex bilood ah.

Caasho Ibraahim ayaa wareysatay guddoomiyaa gobolka Shabeelaha hoose C/Qaadir Nuur Siidii. Hoos ka dhageyso wareysiga.

Wareysiga Guddoomiye Siidii
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

XS
SM
MD
LG