Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan oo doonaya in caalamku caawiyo dhallinyarada


在G20峰会于德国汉堡举行前,国际发展和救援方面的非政府组织乐施会(Oxfam)成员戴着20国集团国家领导人的大头面具示威抗议(2017年7月2日)
在G20峰会于德国汉堡举行前,国际发展和救援方面的非政府组织乐施会(Oxfam)成员戴着20国集团国家领导人的大头面具示威抗议(2017年7月2日)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay wax la qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga soo jeestaan arrimaha argagixisada, budhcad badeedda iyo tahriibka oo uu madaxweynuhu sheegay inay yihiin saddexda cadaw ee xilligan ay dhallinyaradu lee yihiin.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey Maalinta Qaramada Midoobay ee Dhallinyarada; waxaana halku dhigga sanandkan uu yahay “Ka qayb qaadashada Dhallinyarada ee Hawlaha Madaniga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in caqabadaha ugu weyn ee dhallinyarada Soomaalida ay wajahayeen muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka mid yihiin argagixiso-nimada, burcad badeedda iyo tahriibka, waqtigan la joogana ay dhalinyaro badan u istaageen ciribtirka falalkaasi.

“Dhalinyaro badan oo horey loo duufsadey ayaa ka soo noqdey argagixiso-nimada, doorteyna inay shacabkooda dhinac ka raacaan, waxna u qabtaan dalkooda. Sidoo kale falalki burcad badeednimada ayaa si rasmi ah looga cirib tirey dalka, waxaana taa mahaddeeda iska leh waalidiinta, culumada diinta, ururrada bulshada,dowladda iyo shacabka oo iska kaashadey sidii loo joojin lahaa falalkaasi xun xun’’ ayuu yiri madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG