Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya iyo Uganda oo gaaray heshiis dhuun shidaal


Uganda iyo Kenya ayaa isku raacay waddada la marinayo dhuun shidaal oo saalidda ceyriinka ah kasoo qaadi doonta dalka Uganda, taasi oo keeni doonta xeebaha Kenya.

Dhuuntan, oo marka la dhiso, uu dhererkoodu noqon doono 1,500 oo kilomitir, ayaa ka iman doonta degmada Hoima ee Uganda, waxaana ay sii mari doonta goobta saliidda lagu sifeeyo ee Lokichar ee waqooyiga Kenya, ayada oo ugu dambeynna tegi doonta xeebta Lamu ee Kenya.

Labadan dal ee deriska ah ee Bariga Afrika, ayaa sidoo kale ka fekeray in dhuuntan la mariyo koonfurta Kenya. Dadka kasoo horjeeda in dhuuntan la mariyo waqooyiga Kenya ayaa ku doodaya inay halis ugu jiri doonto weerarada kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa waxaa lagu dhowaaqay Isniinta maanta ah, kaddib wada-hadallo dhex maray madaxweynayaasha Uganada iyo Kenya Yoweri Museveni iyo Uhurru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda.

Shirkadda fadhigeedu yahay dalka Britain ee Tullow Oil ayaa saliid ka heshay labada waddanba. Keydka saliid ee Uganada ayaa lagu qiyaasaa 6.5 bilyan oo barmiil, halka la rumeysan yahay in Kenya ay haysato ugu yaraa lix 600 oo milyan oo barmiil.

Mashruucan ayaa waxa uu weli ku xirnaan doonaa maal-gelin iyo damaanad qaad amni oo laga helo Kenya.

XS
SM
MD
LG