Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guurtida oo Diiday Codsiga Siilaanyo


Guurtida oo Diidday
Guurtida oo Diidday

Golaha Guurtida Somaliand ayaa maanta diiday codsi uu madaxweyne Siilaanyo kaga codsaday inay dib uga noqdaan go’aankii muddo-kordhiska, isla markaana ay oggolaadaan heshiiskii xisbiyada siyaasadda ee dhigayay in doorashada Somaliland ay dhacdo bisha December ee sannadkan danbe 2016.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay golaha guurtida. Saciid Jaamac Cali, guddoomiye kuxigeenka golaha Guurtida ayaa VOA u sheegay in go'aanka muddo Guurtidu yahay mid dastuuri ah, doorashada Somaliland-na ay dhici doonto April 2017.

Xisbiyada siyaasadda ayaa heshiis ka gaaray muranka muddo-kordhinta, iyagoo isla gartay in doorashadu dhacdo dhammaadka sannadka danbe.

Dhinaca kale, Faysal Cali Waraabre guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo VOA wareysi siiyay ayaa go'aanka diidmada golaha guurtida ku tilmaamay nasiib darro Somaliland u horseedi kara mugdi. Faysal wuxuu sheegay in goluhu lumiyey ixtiraamkii loo hayay, haatanna ay kaliya ilaashanayaan danahooda gaarka ah.

Dhageyso wareysiyada Guurtida iyo Faysal Cali Waraabe
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:10 0:00

XS
SM
MD
LG