Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga


Donald Trump oo ah maalqabeen haysta adduun lacageed oo aad u badan isla markaana ka ganacsada dhinaca iibka guryaha ayaa xuddun u noqday dooddii xalay ay iskaga horyimaaddeen murashaxiinta damacu ka hayo kursiga aqalka cad ee Xisbiga Jamhuuriga ka dhex tartamaya, waxana murashaxiintani ay xalay yeesheen dooddoodii ugu horraysay.

Trump oo marar kala duwan weeraro ku qaaday haweenka isaga oo u geystay aflagaadooyin kala duwan oo uu wax kaga sheegayo miisaankooda iwm ayaa diiday inuu raalligelin bixiyo markii arrintaas la weydiiyey.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Florida Jeb Bush oo ka soo jeeda qoyska reer Bush, waxana dalka Maraykanka hore madaxweynayaal uga soo noqday aabbihii iyo walaalkii, wuxuuna ka mid yahay shakhsiyaadka ugu cadcad ee safka hore kaga jira inay ku guulaystaan xulashada xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa, dad badan ayaa ku dhaleeceeya in siyaasadihiisa iyo hoggaamintiisa inaanay ka agfogayn aragtida walaalkii iyo aabbihii oo labaduba dalkan maraykanka madaxweynayaal ka soo noqday, hase ahaatee wuxuu ku dooday inuu kala saari karo aragtidiisa gaar ahaaneed iyo tan walaalkii iyo aabbihii.

Madasha dooddani ka socoto waxaa xalay buuxdhaafiyey illaa 4,500 oo qof kuwaas oo dhegaysanayey murashaxiinta dooddan ka qayb gelayey oo ay ku jireen Guddoomiyihii hore ee gobolka Arkansas Mike Huckabee, Guddoomiyaha gobolka Ohio John Kasich, Senator Marco Rubio iyo Ted Cruz, iyo Ben Carson.

Tobanka Murashax ee xalay dooddan oo uu soo daynayey Telefiishanka Fox News ayaa ahayd tii ugu horraysay, waxana la filayaa in doodo kale ay mustaqbalka yeeshaan murashaxiintani, waxana ra’yi ururinta ugu horraysa ee laga sameeyey dooddani ay muujinaysaa in Donald Trump uu hoggaaminayo xubnihii doodda ka qaybgalay.

Wararka kale ee ka imanaya Xisbiga Dimoqraadiga ayaa sheegaya in Xisbigu uu qaban doono doodda ugu horraysa ee xubnaha u taagan doorashada madaxtooyada bisha October 13-keeda waxaana la filayaa inay ka dhacdo gobolka Nevada.

Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:49 0:00

XS
SM
MD
LG