Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Jamaal Xasan ayaa maanta waraaqihiisa Aqoonsiga safiirnimo u gudbiyey Madaxweynaha waddankaasi Uhuru Kenyatta.
Safiirka ayaa sheegay in madaxweynaha ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan.
Magacaabistan ayaa kusoo aadaysa xilli labada waddan ay la wada dagaalamayaan weerarrada ururka Al-Shabab, iyo xaaladda boqollaalka kun ee qaxootiga Soomaalida ah ee dawladda Kenya doonayso inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya.
Waraysiga safiirka ka dhegsayo qaybta hoose ee boggan.