Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo la Hadlay Dhalinta Africa ee YALI


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa khudbad u jeediyay in kabadan 500 oo dhalinyaro ah oo ka kala yimid waddamada Saxaraha ka hooseeyay ee Qaaradda Africa.

Obama wuxuu dhalintan u sheegay in qaaradu horumar ka gaartay dagaalka ay qaaraddu kula jirto cudurka AIDS, isagoo sheegay in malaayiin African ahna laga saaray saboolnimo. Obama wuxuu sheegay in dhalinyaradu ay horumarkan Africa iyagu qeyb ka yihiin, isagoo xusay in Africa ay tahay qaarad ay ku nool yihiin dhalinta ugu da'da yar adduunka.

Obama wuxuu dhalinyaradan ku booriyay inay sii dhisaan oo sii wadaan horumarkan ay qaaraddu gaartay.

Dhalinyarada ayaa ka qeybgalayay barnaamijka "YALI" (Hindisaha Hoggaamiyayaasha Da'da yar ee Africa), oo ah barnaamij uu maamulka Obama bilaabay oo lagu taageeraa hoggaamiyayaasha Africa u soo baxaya oo iyagu qeyb ka qaadanaya kororka dhaqaalaha, xoojinta maamulka dimoqraadiyadda, iyo adkeynta qaababka bulshada rayidka ah, kuwaasoo iyagu gacan ka geysan doonta in qaaraddu ay korto oo baraarto.

Barnaamijka "YALI" waxaa Obama uu ku dhawaaqay safarkiisii Koonfur Africa uu ku tagay sannadkii 2013, waxayna dhalinyaradu ay ka qeybqaleen sannadkan tababarro 6 toddobaad socday oo ay ku qaateen 20 jaamacadood oo Maraykanka ku yaalla. Dhalintan ayaa jaamacaddahan ku soo bartey tababarro ay ku balaarinayeen xirfadaha kale duwan, sida hal abuurka ganacsiga iyo waliba arrimaha madaniga ah.

​Obama wuxuu dhalinyarada ku yiri "Rajadeenu waa in 10, 15, ama 20 sano kadib ah, marka aad noqontaan wasiirro ama madax aad markaas isla xiriirtaan, oo aad wax kala barataan, idinkoo caawin doona jiilka soo socda"

Obama wuxuu kulanka maanta uga dhawaaqay in 80 dhalinyaro ah oo Maraykan ah ay barnaamijka "YALI" ka qeybgali doonaan, iyagoo sannadka danbe tagi doona Africa si ay halkaasi wax uga soo bartaan.

Obama wuxuu kaloo ku dhawaaqay in dhalinyarada Africa ee "YALI" ka qeybgala oo 500 ah imika la kordhin doono oo sannadka danbe ay noqon donaan 1000 qof.

Obama wuxuu kaloo ku dhawaaqay in magaalada Acra, Ghana laga furay maanta xarunta labaad ee "YALI" iyadoo horey xarunta koowaad looga furay Nairobi. Laba xarumood oo kale ayaa laga furi dono South Africa and Senegal dhammaadka sannadkan. Xarumahan ayaa tababari doono 3500 oo dhalinyaro African ah sannad walba.

Barnaamijkan YALI dhalinyarada AFrica ka timid ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah dhalinyaro ka timid Soomaaliya, Djibouti, Kenya, gaar ahaa Waqooyi-Bari Kenya iyo Ethiopia.

Warbixinta YALI
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:09:45 0:00

XS
SM
MD
LG