Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaysia: Waa Baal Ka Mid Ah Diyaaraddii La Waayay


Liow Tiong ayaa sheegay in saraakiisha Faransiiska iyo shirkaddii sameysay diyaaradda Boeing 777 ay ka mid yihiin dadka xaqiijiyey in baal kaasi uu yahay gabal ka mid ah diyaaradii la waayay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay wadaaan dadaalla lagu doonayo in lagu gaaro deegaannada u dhow jasiiradda Reunion, oo ku taalla bariga Madagascar.

Saraakiisha ayaa sidoo kale baaritaan ku wada gabal kale oo laga soo helay magaalada Sainte Denis oo 25 KM u jirta jasiiradda Reunion, iyadoo gabalkaasi loo maleynayo albaabka diyaarada.

Diyaaradda Malaysia ee tirsigeedu ahaa 370 ayaa la waayay bishii March ee sanadkii hore 2014-kii xilligaasoo ay saarnaayeen 239 rakaab iyo shaqaale taasoo weli aan si rasmi ah loo oggeyn halka ay ku dambayso.

XS
SM
MD
LG