Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Galay Dagaal uu Horey u Diiday


Dalka Turkiga ayaa ku baaqay kulan ay isugu yimaaddaan masuuliyiinta Isbahaysiga NATO maanta oo salaasa ah si looga wada xaajoodo halista ku timi amniga dalkeeda iyo weliba weerarada xagga cirka ee ay ku bartilmaameedsanayaan kooxda Daacish ee ku sugan Syria iyo mucaaradka Kurdiyiinta ee ku sugan dalka Ciraaq.

Qodobka Afraad ee lagu aasaasay isbahaysiga NATO ayaa u ogolaanaya dalalka xubnaha ka ah inay dalban karaan la tashi marka ay soo foodsaaraan dhibaatooyin la xidhiidha madaxbanaanidooda dhul ahaaneed ama amnigooda halisi soo foodsaarto.

Shalay Isniintii ayaa dawladda Maraykanku ay sheegtay inay Turkiga kala shaqaynayso qorshaha weerar lagaga safaynayo kooxda Daacish dhinaca woqooyi ee dalka Syria.

Masuul ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in hadafku uu yahay in xuduudda dalka Turkigu la wadaago Syria laga abuuro goob ka caaggan kooxda Daacish.

Dalka Turkiga ayaa ku biiray dalalka dagaalka kula jira Kooxda Daacish ka dib markii uu wakhti dheer ka cago-jiidayey inuu ka mid noqdo isbahaysiga weerarada ku wada kooxda Daacish ee fadhigoodu yahay dalka Syria.

Dhinaca kale Turkiga ayaa weerar ku qaaday fadhiisimada debedda ee kurdiyiinta Mucaaradka ku ah Turkiga ee PKK, haddaba maxaa xilligan keenay in Turkigu uu galo dagaalo cusub oo uu wakhti dheer ka gaabsanayey.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Turkiga aan weli lagu heshiin dhismaha xukuumad dalkaas hoggaamisa ka dib markii xisbina heli waayay aqbaliyad uu xukuumad ku soo dhiso.

XS
SM
MD
LG