Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahinta Qaraxii lala Eegtay Jazeera Hotel


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala bartilmaameedsaday huteelka Jazeera ee u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa ku dhintay illaa 13 qof halka ay ku dhaawacmeen illaa 21 qof oo kale. Haaruun Macruuf ayaa waxyar kadib markii qaraxaasi dhacay la xidhiidhay mid ka mid ah samafalayaasha amblayaasyada Aamin oo lagu magcaabo Khaliif Daahir Maxamed.

Sidoo kale qaraxan oo ahaa mid xooggan oo burbur iyo khasaare badan geystay ayaa dadkii ka badbaaday waxaa ka mid ahaa Jaamac Maxamed Jaamac oo ka waramay wixii uu maqlayey, Ismaaciil Xuseen Farjar ayuu khadka telefoonka ugu waramay.

Khasaaraha Weerarkii Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:23 0:00

XS
SM
MD
LG