Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo la Hadlay Shacabka Kenya


Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in dalka Kenya uu ku sugan yahay isgoys ama wado laba jiho u kala baxaysa oo ay horyaalliin khataro badan iyo dhinaca kale oo ah yididiilooyin tiro badan.

Madaxweyne Obama ayaa la wadaagay shacabka reer Kenya sida uu u arko mustaqbalka waddankan ku yaalla bariga Afrika, ka dib hadal uu maanta ka jeediyey caasimadda dalkaas ee Nairobi oo uu ku marayo safar laba maalmood ah.

Madaxweyne Obama ayaa ammaanay horumarka ay Kenya ku tallaabsatay wixii ka dambeeyey markii ay xorriyadda ka qaadatay boqortooyadii Britain ee gumaysan jirtay. Waxana dedaallada uu soo hadal qaaday ku jiray in dalkaasi uu ka gudbay in xisbi keli ahi dalka maamulo, sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shaqaaqooyinkii isirka ku salaysnaa ee dalkaas ka dhacay sannadkii 2007.

Wuxuuna sheegay in dadka reer Kenya ay doorteen inay ka gudbaan wixii soo maray, isla markaana ay doorteen inay jeexaan taariikh wanaagsan.

Madaxweyne Obama ayaa khudbadiisa ka dib wuxuu u xadhko xidhay safar uu ugu ambabaxayo dalka Ethiopia halkaas oo si weyn looga sugayo.

Haddaba warbixin ku saabsan safarka Madaxweyne Obama xaggan hoose ka dhegeyso.

Safarka Madaxweyne Obama
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:11:33 0:00

XS
SM
MD
LG